Kulankii xalay ee xulalka France iyo Brazil oo kulmiyey halyeeyada Faransiiska ee Zidane, Henry, Desailly & Viera

Kulankii xalay ee xulalka France iyo Brazil oo kulmiyey halyeeyada Faransiiska ee Zidane, Henry, Desailly & Viera

daajis.com:- Kulankii xalay garoonka Stade de France ee magaalada Paris ku dhexmaray xulalka France iyo Brazil ayaa lagu casuumay qaar ka mid ah xiddigaha magaca weyn ku leh kubadda cagta caalamka.

Garoonka ciyaartan ay xalay ka dhacday ayaa xusuus u ahaa koobkii adduunka ee sanadkii 1998-kii oo ay Faransiisku kaga qaadeen xulka shanta jeer haysa koobka adduun ee Brazil.

Halyeeyada Faransiiska ee Zinedine Zidane, Marcelo Desailly, weeraryahankii xulka qaranka France ee Thierry Henry iyo burburiyihii khadka dhexe ee Patrick Viera ayaa ka mid ahaa marti sharaftii lagu casuumay kulankii xalay, waxaana ay sawir gaar ah ku galeen garoonka xusuusta u leh xulka Les Bleus, ka hor ciyaartii xalay.

Inkastoo ay halyeeyadaan faraxsanaayeen inta aysan bilaabin ciyaarta, haddana kuma aysan riyaaqin natiijada ka soo baxay kulankii xalay oo waxaa xulkooda France ay wiilasha Brazil kaga adkaadeen 3-1, inkastoo haddana ciyaartu ay hayd mid saaxiibtinnimo.

Xigasho:- Gool FM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada