Somalida bixitaanka Yurub ku sugeysa Ethiopia oo go’aan adag la dul dhiggay

Somalida bixitaanka Yurub ku sugeysa Ethiopia oo go’aan adag la dul dhiggay

daajis.com:- Dadka Soomaaliyeed ee leemanka ugu xareysay Safaaraddaha Yurub iyo kuwa fiisooyinka ka hela qoysaskooda ayaa dhibaato kala soo gudboonaaday immigration Itoobiya oo qiimo kordhin ku sameeyay lacagaha ganaaxa ee laga qaado dadka Soomaaliyeed marka ay kasoo baxayaan Addis Ababa.

immigration Itoobiya oo horay dadka ugu qaadi jiray 460 Dollar qofkiiba, waxaana hadda laga dhigay 1150 Dollar, taasoo aysan awoodin in qoyskii ka kooban Shan qof uu bixiyo lacag intaasi la eg.


Lacagahan laga qaado Soomaalida ayaa ah ganaax, maadaama Soomaalida aysan dalka ku joogin si sharci ah, hase ahaatee qofkii si sharci ah kusoo gala ee marka uu fiisaha ka dhaco mar walbo soo cusbooneysiisto, aan laga rabin in uu bixiyo lacagahaasi faraha badan.

Waxaa jira tiro dad ah oo Addis Ababa ugu xayirin lacag la’ aan oo haysta fiisooyin casuumaad ah oo eheladooda ay ka heleen, halka qaar badan ay ka dhaceen waqtigii fiisaha oo la doonayay in uu ku tago wadanka bixiyay fiisaha.

Soomaalida leen sugayaasha iyo kuwa fiisaha gacanta ku haysta ayaa Dowladda Federaalka, gaar ahaan Safaaradda Soomaalida ee Addis Ababa ugu baaqay in ay arintan dhiig miiradka ah kala hadlaan Dowladda Itoobiya.

Safiirka Soomaaliya ugu wakiilka ah Addis Ababa, Axmed Cabdisalaan ayaa lagu eedeeyaa inuusan waxba qaban Soomaalida ku nool Addis Ababa iyo guud ahaan Itoobiya, wuxuuna ku mashquulsan yahay arrimaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe, halkii laga sugayay inuu kasoo baxo howshii loo igmaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada