Boqolaal tahriibayaal ah oo dhintay iyo kuwo la bad-baadiyay: SAWIRRO

Boqolaal tahriibayaal ah oo dhintay iyo kuwo la bad-baadiyay: SAWIRRO

daajis.com:-Wararka laga helayo Taliyaanigana waxa ay sheegayaan in 400 oo qof oo muhajiriin ah ay dhinteen kaddib markii ay degtay doontii ay la socdeen, maalin markii ay ka dhaqaaqeen Liibya.


Qaar ka mid ah dadka badbaaday waxa ay sheegayaan in caruur ay u badan yihiin 400 ee dhimatay. Ilaalada xeebaha ee Taliyaaniga ayaa soo badbaadiyay 144 qof, waxayna bilaabeen howlgal baadigoob ah oo diyaarado ay ka qeybgalayaan iyagoo weli rajo ka qaba in dadkaloo badan la badbaadiyo.

Hay’adda badbaadada dhallaanta waxa ay sheegtay in kuwa la soo badbaadiyay badankooda ay yihiin dhallinyaro. Midowga Yurub waxa ay sheegayaan in illaa iyo jimcihii in la soo badbaadiyay 7000 oo qof oo ku tahriibayay badda Mediterranean.



Dadka la soo badbaadiyay waxa ay sheegayaan in musiibadan ugu dambeysay ay dhacday kaddib markii ay quustay doonta ay saarnaayeen 550 muhaajiriuin ah. Sagaal mayd ayaa illaa iyo hadda la helay, balse qof kaloo nool weli lama helin.

Hay’adda arrimaha caruurta ka shaqeyso ee Save the Children waxa ay sheegeysaa in inkabadan 400 oo caruur ah, oo badan kooda aysan cidna wehlinin ay ka mid ahaayeen 700 oo tahriibayaal ah oo dhowaanahan u soo gudbay qaaradda Yurub ee ka imaanaya Afrika.



Michelle Prosperi waxa uu ka tirsan yahay hay’adda Save the Children, waxa uu sheegayaa inay weli isku deyayaan inay ogaadaan tirade caruurta ku waxyeelowday dhacdadan.

Sarkaalkan u hadlay Save the Children waxa uu sheegay in la gaaray xilliga tahriibayaasha, marka ay cimilada badda wanaagsanaatana la filayo tiro aad u badan.

Dhanka kale, laanta ilaalada xuduudaha ee Midowga Yurub, waxa ay sheegtay in dadka tahriibinta ka shaqeeyo ay xabado hawada u rideen si ay ugu digaan ilaalada xeebaha oo doonayay inay dadkan badbaadiyaan.



Arrintan ayaa ka dhacday maalintii Isniinta, meel qiyaastii 60 mile u jirta xeebaha Liibya, kaddib markii doon talinaayiga laga leeyahay iyo markad ilaalada xeebaha ah ay isku deyeen inay badbaadiyaan 250 qof. Markii intabadan muhaajiriintii la badbaadiyay, tahriibiyayaasha oo watay doon aad u dheereysa, ayaa soo aaday dhanka shaqaalaha badbaadinta, rasaas ayeyna kor ugu rideen ka hor inatsan jiidanin doontii oo faaruq ah, sida EU ay sheegeyso.

In kabadan 280,000 oo qof ayaa si sharci daro ah ku galay Yurub, sanadkii hore, badankoodana waxay ka carareen dalalka Suuriya, Eritrea iyo Soomaaliya. Qiyaastii 3,400 oo qof ayaa badda ku dhimatay sanadkii 2014kii.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada