Qeybdiid Oo Ku Gacan Seeray Dalab Cusub Oo Ka Yimid Xasan Sheekh ee ahaa .......

Qeybdiid Oo Ku Gacan Seeray Dalab Cusub Oo Ka Yimid Xasan Sheekh ee ahaa .......

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Galmudug State Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku gacan seeray dalab ka yimid Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud kaasi oo ku aadan arimaha shirka iyo sida ay wax u socdaan.

Qeybdiid ayaa sheegay in marnaba uusan qaadan doonin in degmada Dhuusamareeb ay noqoto caasimadda maamulka lasoo wado, islamarkaana halka caasimadda noqonayso ay iyagu ka tashan doonaan.

“Madaxweynaha anaga nooma meyrinayo waxa danteena ah waan naqaanaa, mida kale anaga shirka inaan furano ayaa naga go’an intaasi ka dib wax naga xiga malahan” ayuu yiri Qeybdiid

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka looga baahan yahay taaba gelinta shirka, balse aan laga dooneyn in ay shacabka wax u meyriso, maamulkooda loo sameyn doono dastuur, halkaasna wax walbo laga hagayo.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada