Shaqo Joojin lagu sameeyay Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan

Shaqo Joojin lagu sameeyay Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan

daajis.com:Warqad shaqada looga fariisinayay gudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Macalin Khallaafow iyo gudoomiyaha siyaasadda gobalka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa saacado kahor waxa ay kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha maamulka gobalkaasi.

Warqadaan ayaa lagu sheegay in ay ogyihiin dhammaan laamaha amniga Soomaaliya, Wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka, waxaana ku saxiixan gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Nuxurka shaqo joojinta Labadaan mas’uul ayaa lagu sheegay in 10-kii bishii 1-aad ee sanadkaan uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka u jeediyay wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka in xafiiska lahor keeno Labadaan Mas’uul ee kala ah gudoomiyaha Baladweyne iyo gudoomiyaha Siyaasadda gobalka Hiiraan.

Sidoo kale warqadaan ayaa lagu xusay in 23-kii March 2015, wasaaradda arimaha gudaha fariin ay u dirtay Labadaan Mas’uul, islamarkaana si degdeg ah loogu jeediyay in ay hortagaan xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ee magaalada Muqdisho.

Gabagabadii qoraalkaan kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobalka ayaa lagu yiri “Markii aan aragnay warqadaha sumadoodu ku caddahay, waxaan go’aaminay in shaqada ay ka fariistaan Labadaan mas’uul si KMG ah” waxaana sidoo kale lagu yiri “Laga bilaabo maalinta taariikhda ku beegan tahay 11-ka April 2015, waxaa sii hayaha gudoomiyaha baladweyne ah mudane Cabdi Faarax.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada