Madaxweyne Yaxye Jaamic oo Jeediyay Hadal Ka Farxiyay Muslimiinta Rohinga Ee Baarma.

Madaxweyne Yaxye Jaamic oo Jeediyay Hadal Ka Farxiyay Muslimiinta Rohinga Ee Baarma.

daajis.com:- Muslimiinta Rohinga ee wadanka Baarma ayaa markii ugu horraysay magangelyo ka helay mid kamida dowladaha dhaca galbeedka qaaradda Afrika oo dadkeedu muslimiin yihiin.


War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Gambia ayaa lagu sheegay in shacabka gummaadka kala kulmaya buundhiistayaasha ay imaan karaan Gambia ayna heli doonaan ammaan iyo daryeel waafi ah.

Madaxweynaha Gambia Yaxye Jaamic ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadiisu ay go’aan ku gaartay badbaadinta kumanaan muslimiin reer Baarma ah kuwaasi oo ku sugan maraakiib ku xiran xeebaha wadamada Maleesiya iyo Indonesia.


Hoggaamiyaha Gambia ayaa ugu baaqay wadamada dhaca qaaradda Asia in ay sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaasi dhibaataysan ugusoo daad gureeyaan Gambia.

Yaxye Jaamic wuxuu sheegay in badbaadinta muslimiinta Rohinga ay waajib ku tahay dhammaan muslimiinta isagoona eedayn kulul ujeediyay dowladaha dariska la ah Baarma ee diiday in ay magangelyo siiyaan dadka muslimiinta ah.

"Xukuumadda Gambia waxay diyaar u tahay in muslimiinta Baarma ay magangelyo siiso oo ay xeryo iyo guryo udhisto waana waajib in dadkaasi la badbaadiyo”ayuu yiri Yaxye Jaamic.

Madaxweynaha Gambia ayaa ugu baaqay muslimiinta qaaradda Afrika in ay qaataan mowqif geesinimo leh ayna badbaadiyaan dadka dhibaataysan ee buudhiistayaasha xasuuqa kala kulmaya.

Waa dowladdii ugu horraysay ee katirsan caalamka islaamka oo rasmi ah u sheegta in dalkeeda ay ku martiqaadayso walaalaha muslimiinta Baarma ee dhibaataysan.

Gambia ayaa 98% dadkeedu muslimiin yihiin iyadoona madaxweyne Jaamic oo sanaddii lasoo dhaafay sheegay in wadanka uu sharciga islaamka ku maamuli doono luqadda koowaadna uu ka dhigay luqadda Carabiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada