Qoraal uu Usama B. Ladin usoo diray Hogaamiyihii al-shabaab oo lasoo bandhigay

Qoraal uu Usama B. Ladin usoo diray Hogaamiyihii al-shabaab oo lasoo bandhigay

daajis.com:-  Dowladda Maraykanka ayaa maanta soo bandhigtay faahfaahinno dheeraad oo ku aadan Dukumentiyaddii muhiimka ahaa ee ay Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ku soo qabteen Hawlgalkii lagu dilay Hoggaamiyihii Alqaacida, Usaama Bin Ladin, sannadkii 2011-kii.

Dukumentiyadaasi oo ka koobnaa in ka badan 400 oo farriimo, buugaag, warbixinno Cilmi-baaris iyo Dukumentiyo kale.

Maraykanka waxay sheegeen in Dukumentiyadda laga soo qaaday Dhismihii lagu dilay Usaama Bin Ladin in haatan lagu xafiayo Khaanadaha Buugaagta ee Xafiiska Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Maraykanka oo isagu soo bandhigay Dukumentiyaddaasi.

Maraykanka waxay sheegeen in Dukumentiyadda la qabtay ku jireen Qoraal uu Bin Ladin u diray Hoggaamiyihii Alshabaab, Sheekh C/raxmaan Abu Zubeyr, taasi oo uu Bin Ladin kaga hadlay qoddobo badan oo muhiim ah.


Hadadaynu soo koobna Turjumaadda ay Maraykanka ku sameeyeen qoraalkaasi oo ilaa 7 bog ah ayaa waxa u uBin Ladin si gaar ah kaga hadlay:- Hawlgalka Dagaal ee ay Alshabaab kula jiraan Ciiddamadda AMISOM, Xoojinta Garsoorka iyo Nabadda, Ololaha Wacyi-gelinta ee kaalmadda loogu ururinayey dadkii ku macluulsanaa Somalia iyo sida uu dalka Somalia ugu fiican yahay wax-beerashadda.

Bin Ladin waxa uu ku booriyey Hoggaamiyihii Alshabaab in dagaalka lagula jiro Ciiddanka Afrika laga dhigo mid lagu weerarayo Ciiddanka jooga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo marka ay Ciiddankaasi marayaan Waddooyinka Muqdisho.

Waxaa uu ku baaqay in la badbaadiyo Muslimiinta ku sugan Suuqa Bakaaraha, si aysan ciiddamadda Afrikaanka u soo begsanin Suuqaasi.

“Fadlan la hadla Walaalaha Soomaaliyeed si lo oyareeyo dhibaatadda dadka Muslimiinta ka soo gaari karto haddii la weeraro Xarumaha Ciiddanka Afrikaanka” ayuu Bin Ladin ku yiri Qoraalkiisa ay Dowladda Maraykanka soo bandhigtay.

Sidoo kale, Waxa uu Madaxda Alshabaab ku booriyey inay ka fekeraan qorshe wanaagsan oo lagu khaarijin karo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni, si loo wiiqo dagaalladda ay Askarta Afrikaanka ka wadaan magaalladda Muqdisho.

Bin Ladin waxa kaloo uu ka hadlay in la helo Garsoorayaal carbisan, si ay gacan uga geystaan Garsoorka Ummadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Ummadda Soomaaliyeed u baahan yihiin Caddaalad iyo Nabad.

waxa Qoraalkaasi Turjuman ee ay Dowladda Maraykanka maanta soo bandhigtay ayaa lagu xusay inuu Bin Ladin kula taliyey Alshabaab inay si hoose ula macaamilaan Culumadda Suufiyiinta, si looga waantoobo inay Suufiyiinta noqdaan qalab ay caddowga u aadeegsadaan dhibaataynta Halganka Alshabaab.

Usaama Bin Ladin waxa kaloo uu ka hadlay Kheyraadka u u Rabbi ku manaystay Somalia, wuxuuna ku taliyey in Ummadda lagu booriyo inay beertaan dalagyadda waxtarka leh iyo in loo balan-qaado in laga kireeyo dhulal muddo sannado ah. Waxa uu xusay in loo baahan yahay in la abuuro geedaha Istaraatijiyadda leh, sida Timirta iyo Geedaha Furutada ah (Dates and Fruit Trees). Waxa kaloo uu ku taliyey in la beero Geed Qumbaha, si macaash looga helo.

Waxa kaloo uu xusay in halkii Hektar oo dhul ah oo lagu beero Geedaha Qumbaha in laga macaashayo lacag dhan 57,000 oo Dollar.

Qoraalka ay Maraykanka soo turjumeen ee uu Hoggaamiyihii Alqaacida u soo diray Hoggaamiyihii Alshabaab waxa uu Walaalaha Alshabaab kula taliyey inay ka tusaale qaataan Dhaqdhaqaaqa Islaamka ee Sudan

Wuxuuna uga digay Walaalaha ka hawlgalayo Imaaradda Islaamka ee Somalia inaysan noqonin kuwo faraha la gala Ganacsiga, si aysan u dayacin hawlaha loo idmay.

Sidoo kale, Bin Ladin waxa uu sheegay in dadka ka xoogsada Imaaradda Islaamka ay ka waalaacaan oo keliya Ammaanka iyo Caddaaladda, wuxuuna ku baaqay in la tababaro Garsoorayaala wax ku garsoora, kuna xukuma.

Xigasho Radiodalsan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada