Dhacdo: Gaarisa oo ay ka bilabatay dhacdoyin argagax galinaayo soomaaalida halkaasi ku nool

Dhacdo: Gaarisa oo ay ka bilabatay dhacdoyin argagax galinaayo soomaaalida halkaasi ku nool

daajis.com:- Sacdiyo Maxamuud Ali oo kamid ah dumarka Soomalida ee ku nool Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa ka badbaaday qorsho ay u maleegeen Dhalinyaaro Kenyaan ah oo ka ganacsada Kiliyaha bani’aadamka.

Sacdiyo Maxamuud oo 27 sano jir xoolo dhaqato ah ayaa ku dhex dhacday dhalinyaradaasi oo duleedka Gaarisa ku ugaarsanaayay dadka si ay ugala baxaan Kiliyaha.

Dhacdadaani ayaa dhacday subaxnimadii Saakaay abaaro 9:20 daqiiqo ayay ragaasi ka afduubteen meel 8km ka baxsaan Gaarisa xilli ay la socotay ari. 

Raga afduubka ugeystay Gabadhaani ayaa ujeedkooda wuxuu ahaa inay jirkeeda kala baxaan xubno muhiim u ah Bini’aadamka oo hadii qofka lagala baxo aysababi karto inuu u geeriyoodo.

Raga afduubka ugeystay ayaa ku qaatay gaari yar oo nooca raaxada ah, waxaana ay ula dhaqaaqeen meel aysan garaneyn.


Sacdiyo Maxamuud oo ka sheekeysay falkaan ayaa sheegtay in raga afduubka ugeystay ay geeyeen meel qol ah kadibna la saaray Computar maadaama raga afduubka ugeyestay Sacdiyo ay doonayeen inay kala baxaan Kilyaha, kadibna ay iska hubinayeen.

Sacdiyo ayaa sheegtay in markii la saaray labo Computar kadib lasiidayay oo qolkii laga soo saaray iyadoo wajiga laga calaamadeeyay dharkiina laga bedelay.

Waxa ay sheegtay in baaritaan kadib loo sheegay inay is daweyso kadib markii ay ku arkeen Kiliyaheeda xanuuno aan sidaa usii buurneyn, mana aysan noqon noocii ay doonayeen maadaama ay kiliyaha ka xanuunsaneyd.

Waxa ay ka xireen wajiga waxa ayna kula soo dhaqaaqen meel aan sidaa uga sii fogeyn goobtee laga kaxeeyay waxa ayna ku dhufteen haraanti badan si ay u gasho jawi jahwareer ah.

Waxa ay aheyd gabar maskiin ah kuna wanaagsaneyd xifdinta qur’aanka waxa uuna alle ka badbaadiyay dhagartii lala damacsana.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada