DAAWO:- Al-Shabaab oo soo bandhigtay weerarkii Leego iyo khasaarihii gaaray AMISOM

DAAWO:- Al-Shabaab oo soo bandhigtay weerarkii Leego iyo khasaarihii gaaray AMISOM

daajis.com:- Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawirrada weerarkii todobaadkii hore ay ku qaaday xero ay degenaayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan howl galka AMISOM, halkaasoo lagu dilay kontameeyo askari oo ka mid ahaa ciidamada Burundi.

Sawirrada oo la soo dhigay baraha Internet-ka iyo kuwa bulshada ee Al-Shabaab ayaa muujinayay khasaaraha baaxada leh ee gaaray Ciidamada AMISOM.

Meydadka Askarta Burundi ee weerarkaas lagu laayay ayaa sawiradda la soo bandhigay ku jiray, sidoo kale waxaa la soo bandhigay saanad hub iyo rasaas ah ah iyo gaadiid laga qabsaday AMISOM.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay qaadeen Guuto loogu magac daray Hogaamiyihii la dilay ee Al-Shabaab, waxaana weerarka uu ku bilowday qarax baabuur, kadiban dagaalyahanada Shabaab ayaa ugu daatay difaacyada Ciidamada AMISOM ka sameysteen xeradaas.

Afhayeen u hadlay Burundi ayaa xaqiijiyay in weerarkaas loogaga dilay in ka badan 50-askari, iyadoo Shabaabka sheegteen in khasaaraha Ciidamada Burundi gaaray uu ka badnaa kii sanadkii 2012 lagu gaarsiiyay dagaal ka dhacay degmada Dayniile.
















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada