Daawo:- bama oo ka hadlay ciidamo uu usoo diro Somalia & qaraxii shalayo

Daawo:- bama oo ka hadlay ciidamo uu usoo diro Somalia & qaraxii shalayo

daajis.com:- Madaxweyne Barack Obama oo booqasho ku maraya dalalka geeks Afrika, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya oo hadda uu ku sugan yahoo ayaa waxuu sheegay in maamulkiisa diyaar u aheyn in ay ciidamo usoo diraan Somalia xiligan, taas badalkeedana ay ku filan yihiin la dagaalanka kooxaha Al-Shabaab ciidamada ka socda AMISOM ee Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi.


Obama ayaa hadalkan ka sheegay shir shir jaraa’id oo maanta si wada jir u qabteen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, wuxuuna sidoo kale uu ka hadlay qaraxii shaley Al-Shabaab ay ka geysteen HOTEL Jazeera ee magaalada Muqdisho.


“Qaraxii shaley ee Muqdisho, waxuu na xusuusinayaa in ururka argagixisada Al-Shabaab howshiisu tahay in uu wax dilo waxna burburiyo, waxaa loo baahan yahay in arintaasi la istaajiyo, si taa loo sameeyana waa naan dadaaal dheeraad ah la imaano, todobaadkii here ciidamada Itoobiya ayaa gacan ka geystay in lagala wareeego lab goobood oo ay ku xoogganaayeen, cadaadiskaasi waa inaan is wadnaa” ayuu ear Madaxweynaha Mareykanka Obama oo amaanay doorka ciidamada Itoobiya ee Somalia.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada