XOG laga helay ruuxii fuliyay weerarkii Jaziira Hotel from Warfaafiye Kala Soco Warar Sugan by bashka

XOG laga helay ruuxii fuliyay weerarkii Jaziira Hotel from Warfaafiye Kala Soco Warar Sugan by bashka

daajis.com:- Inkastoo Laamaha Amniga Dowladda Somalia aysan weli si Rasmi ah uga Hadlin Ruuxa Fuliyay Weerarka, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ruuxa fuliyay weerarkaas uu ahaa Soomaali haysta dhalashada Dalka Jarmalka.

Kooxo Ajnabi qubaro ah oo ku xeel dheer baaritaanka DNA-ga ayaa ka qaaday goobta qaraxa ka dhacay qeybo ka mid ah haraadiga ruuxa weerarka ismiidaaminta fuliyay, si ay u baaraan.

Sidoo kale, Weerarkii Hotel Jasiira ayaa ahaa mid aan horay uga dhicin Soomaaliya isagoo ahaa mid xoogan oo laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhan, iyadoo burbur xooggan uu gaaray dhismaha hoteelka.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo ay ku jireen laba Suxufi oo Somali ah iyo Dublamaasi u dhashay Waddanka Shiinaha, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad 30-qof ka badan.

Waxaa kaloo xafiisyo ku lahaa Hotelka, safaaradaha Qadar, Masar iyo diplomaasiyiin reer Kenya.

Qaar kamid ah dhaawaca oo dhaawacoodu fududaa waa laga saaray cisbitaalka, halka kuwii cuslaa oo waliba qaarkood koomo ay ku jiraan ay cisbitaalada yaalaan.

Waxaana dhaawaca ugu badan la dhigay Cisbitaalka Madiina.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada