Daacish oo dhaqaale ka samaysa Soomaalida ka tahriibta Libya, oo sidee?

Daacish oo dhaqaale ka samaysa Soomaalida ka tahriibta Libya, oo sidee?

daajis.com:- Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday People, kana soo baxa dalka Britain ayaa qoray in Jihadistayaasha Daacish ee ka hawlgala dalka Libya ay dadka ku khasbaan inay bixiyaan L;acago, ka hor intaysan Kooxaha wax tahriibiya saarin doonyaha ka shiraacda Xeebaha Libya, kuna sii jeeda Talyaaniga.

Wargeyska waxa uu qoray inay Maleeshiyadda gacansaarka la leh Daacish ay gacanta ku hayaan ugu yaraan afar dhul-xeebeed dherersan Bariga Caasimadda dalkaasi ee Tripoli, halkaasi oo ay Macaash badan ka wada qaadaan Kooxaha wax tahriibiya iyo dadka la taahriibinayo.

libya461050822Ilo ka tirsan QM oo ku sugan dalka Tunisia ayaa sheegay inay Kooxda Daacish maamulaan dhulka Xeebaha ee Libya, iyadoo dadka Tahriiba qori caaradii si khasab ah uga qaata lacago madax-furasho ah.

Wargeyska The Sunday People waxa uu qoray in Qaxooti tiradoodu dhan tahay 500,000 oo qof ay hadda ku sugan yihiin dalka Libya, kuwasi oo doonaya inay u soo tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

Kooxaha Mukhalasiinta ayaa la sheegay inay qofkiiba ka qaataan 1,500 oo Geniga Istarliinka Britain, kuwaasi oo laga buuxiyo Doonyaha loogu magac daray Doonyaha Geerida, ee ku sii jeeda Xeebaha Talyaaniga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada