Daawo Sawirada Weerarada lagu qaadayo xeryaha Qaxootiga ee Dalka Jarmalka oo sii kordhaya

Daawo Sawirada Weerarada lagu qaadayo xeryaha Qaxootiga ee Dalka Jarmalka oo sii kordhaya

daajis.com:- Waxaa sii kordhaya Weerarada ka dhan ah xeryaha ay ku xareesan yihiin dadka qaxootiga ah ee kunool Dalka Germany, waxaana maalmihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan lagu qaaday xeryo ay ku xareesan yihiin dad qaxooti ah.

Maalintii shalay labo nin hubeesan ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen xero ay dad qaxooti ah ku xareesan yihiin oo kutaala Magaalada Parchim ee Dalka Germany, weerarkan ayaan noqday mid ay fashiliyeen ciidamada booliiska oo ka hortagay gacanta ku dhigay ragii weerarka qorsheeyay.

Waxaa sidoo kale maalmo kahor kooxo cunsuriyiin ah ay weerar ku qaadeen xeryaha qaxootiga lagu xareeyo ee kutaala magaalada Heidenau , weerarka ayaana la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo cunsuriyiin ah oo kasoo horjeeda in la qaabilo dadka soo galootiga ah.
Kooxo Cunsuriyiin ah oo u dhashay Dalka Germany ayaa xalay sidoo kale dab qabadsiiyay iskool dadka qaxootiga ah lagu qaabilo oo kuyaala magaalada Berlin, dabkaasi ayaana lagu guuleestay in la damiyo mana jiro wax qasaare ah uu geestay.

hogaamiyaha Germany Angela Merkel , oo ka hadashay weerarada ka dhaka ah dadka cunsuriyiinta ayaa sheegtay in falalka ay geesanayaan dadka cunsuriyiinta ah ay yhiin kuwa waxooshnimo ah , waxa ayna cadeesay in dowlada ay gacan bir ah ku qabaneyso dadka dambiyada ku dhaqaaqa.

Dalka Germany ayaa kamid ah dalalka ay iska dhiibaan qaxootiga ka caraya qeybo kamid ah Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, waxaana xeryo kuyaala dalkaasi ku xareesan dad badan oo qaxooti ah kuwaa oo sugaya in la qaabilo.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada