Odowaa oo Digniintii ugu Cusleed kala kulmay odoyaasha Koonfur Galbeed

Odowaa oo Digniintii ugu Cusleed kala kulmay odoyaasha Koonfur Galbeed

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa uu kulamo hordhac ah la qaatay Odayaasha kasoo kala Jeeda Baay iyo Bakool.

Wararku waxa ay sheegayaan in Odawaa uu Odayaashaasi kala hadlay qaabka uu noqon doono soo xulista xildhibaanada Barlamaanka maamulka Koofur Galbeed ee Somalia, waxa uuna Odayaasha kuwargaliyay inay iska ilaawan wax waliba oo la xiriira tiro badsi.

Malaaq Isaaq Mayoow ayaa sheegay in Wasiirka uu doonaayo in muddo kooban gudaheeda uu kusoo gabagabeeyo la kulanka Beelaha Soomaaliyeed, waxa uuna Malaaqa tilmaamay in Odawaa uu doonayo in Baarlamaanka uu u ekeysiiyo kan Galmudug ee u badan garabyo gaar ah.

Malaaq Isaaq waxa uu Odawaa uga digay inuu qalqal galiyo Odayaasha isaga oo doonaayo in Baarlamaanka uu ka dhigo mid ku dhisan rabitaanka Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dhanka kale, waxa uu Odayaasha kaga digay in Hanaanka Baarlamaanka ay u bedelaan mid loolan ama sad bursi ah, waxa uuna Hogaamiyaha Maamulka ku wargaliyay inuu isha ku hayo qaabka ay howshu u socto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada