Sadax kooxood oo kala qaatay Wasiirada Maamul Goboleedka Galmudug !!

Sadax kooxood oo kala qaatay Wasiirada Maamul Goboleedka Galmudug !!

daajis.com:- Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Maamulka Galmudug waxaa xalay looga dhawaaqay Wasiirada uu yeelanyo Maamul Goboleedka Galmudug, waxaana wasiirada xalay la magacaabay ay u badan yihiin sadax urur diimeed oo dalka ka jira.

Liiska Golaha Wasiirada ayaa inta badan waxa ay katirsan yihiin Sadax Urur diimeed oo dalka ka jira kuna lug leh Siyaasada Dalka ka jirta, Ururadaasi ayaana kala ah Ururka Damul Jadiid oo talada Maamulka Galmudug haya, Ururka Ahlu Sunna iyo Ururka Aalla Sheekh.

Wasiirada ugu badan ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa kamid ah Xubno lawada yaqaano oo katirsan Urur Diimeedka Damul Jadiid , waxaa sidoo kale liiska Golaha Wasiirada ku jira Kooxda Ahlu sunna oo iyana heshiis qeyb uga noqotay Wasiirada la magacaabay, waxaana liiska Golaha Wasiirada ku jira xubno kale aan badneyn oo iyana matalaya Kooxda Aalla Sheekh.

Sadaxdan kooxood ayaaana inta badan kala qaatay Wasiirada Maamulka Galmudug, waxaana aad u yar wasiirada qaababka kale lagu soo xulay ama rabitaanka beelahooda ku yimid, waxaana liiska Wasiirada ka maqan xubno Siyaasiyiin ah oon katirsaneyn ururadaasi oo la filayay in Golaha Wasiirada kamid noqdaan.


Ururka Damul Jadiid oo isagu ku guuleestay Madaxtinimada Maamulka Galmudug ayaa abaalmarin uga dhigay xubno katirsan Ururkaasi in ay kamid noqdaan Golaha Wasiirada Galmudug, waxaana Wasiiro badan oo kuwa la magacaabay kamid ah ay yihiin dhalinyaro aan aqoon u laheyn Deegaanada ay Wasiirka ka yihiin balse magac urur lagu magacaabay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada