-Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Isku Aadka Wareega Groupka Tartanka Champions League-ga

-Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Isku Aadka Wareega Groupka Tartanka Champions League-ga

daajis.com:- Habeen dambe waxaa la isugu imaan doonaa Grimaldi Forum oo ku taala Monaco si loo sameeyo isku aadka Champions League-ga wareegiisa groupka xili ciyaareedka 2015-2016. Tartankaan waa midka ugu xiisaha badan qaarada yurub waxaana isugu imaanaya magaalada Monaco ee dalka faransiiska kabtanada iyo wakiilo ka socda 32-da kooxood ee ka qeyb galaya tartanka sidoo kalana waxaa la bixin doonaa abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan qaarada yurub xili ciyaareedkii dhamaaday. Saacada markey tahay 6:45 ayaa la qabanayaa.

KOOXDA DIFAACANEYSA?

Barcelona ayaa difaacaneysa tartankaan waxeyna markii finalka tartankaan magaalada Berlin ee dalka jarmalka kaga qaaday Juventus horaantii bishii June ee lasoo dhaafay waxeyna u ahed markii shanaad oo ay tartankaan ku guuleysato, Andreas Iniesta oo ah kabtanka kooxda iyo madaxweyne Bartomue ayaa xaflada xaadir ahaan doona iyaga ayaana keeni doona koobka quruxda badan madama ay bilooyin ka hor ka gudoomeen madaxda Uefa.

QEYBAHA ISKU AADKA:

Sida caadada ah waxaa kooxaha 32-da ah ee tartanka ka qeyb galaya loo qeybiyaa 4 qeybood si group walba uu u dhameestiro afar kooxood, waxaana sanadkaan loo sameeyay qaab ka duwan sanadahii hore. Sideeda kooxood ee ku guuleystay sideeda dal ee ugu awooda badan yurub ayaa qeybta koowaad ee (Pot 1) gali doona taasoo ka dhigan iney hogaamin doonaa sideeda group ee (A ilaa H), waxeyna kala yahiin: Barcelona, Bayern München, Chelsea, Benfica, Paris, Juventus, Zenit iyo PSV Eindhoven.

SHARCIYADA:

Sharciyadaan ogow si aad u ogaato kooxaha isku dhici kara iyo kuwa kala badbaadi kara marka la sameynayo isku aadka waana muhim.

  • Iskuma soo aadi karaan labo kooxood oo isku wadan ah wareega group-yada.
  • Isku aadka waxaa sidoo kale lagu sameyn doonaa wareega group-yada ee koobka la balaariyay ee UEFA Youth League.
  • Xaflada isku aadka waxaa sidoo kale ku jiri doonta codka doorashada xiddiga ugu fiican sannadka qaarada Yurub ee Uefa Best Player ee lab iyo dhedig.
  • WAQTIYADA LA CIYAARI DOONO?


Koox walbaa oo groupka ku jirta waxey xaq u leedahay iney ciyaarto (6-kulan) taasoo ka dhigan in (3) ka mid ah ay ku ciyaari doonto gurigeeda halka sadex kalana ay banaanka aadi doonto waxeyna koox walba oo groupka ka tirsan la ciyaari doonaa laba kulan. Hadaba kulamada ay kooxaha ciyaari doonaan hoos kaga bogo:

Kulamada 1aad, 15–16/09/15

Kulamada 2aad, 29–30/09/15

kulamada 3aad, 20–21/10/15

kulamada 4aad, 3–4/11/15

kulamada 5aad, 24–25/11/15

kulamada 6aad, 8–9/12/15

Finalka Tartankaan Halkee Ayuu Ka Dhici Doonaa?

Garoonka kooxaha Milan iyo Inter ee San Siro ayaa markii afaraad lagu martigelin doonaa finalka koobka 28ka bisha May 2016.

XIDIGA QAARADA YURUB:

Si la mid ah sanadii ugu dambeysay ayuu xidiga heysta abaalmarinta Ballon d’Or Cristiano Ronaldo abaalmarintaan xidiga qaarada yurub kula tartami doonaa laba xidig oo ka tirsan kooxda Barcelona wuxuuna sanadii hore ka dhex qaaday Iniesta iyo Messi, halka uu markaan kula tartami doono Messi iyo Suarez.

Ronaldo xagaagii dhamaaday wax koob ah kooxdiisa kulama guuleysan tartamada bilowda August marka laga reebo inuu kooxdiisa la qaaday koobka kooxaha Aduunka iyo koobka Uefa Super Cup, oo ku xisaaban xili ciyaareedka balse ah xagaagii dhamaanayay tartamadii haraadiga ahaa ee ka haray, sidoo kalana xidigaha labada ah ee reer Latin America waxey kooxdooda haatan la qaadeen koobabka Sadexleyda loo yaqaano. La Arki doonee cida qaada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada