Dheemantii ugu weyneyd caalamka oo laga helay dal ka tirsan Africa

Dheemantii ugu weyneyd caalamka oo laga helay dal ka tirsan Africa

daajis.com:- Dheemantii labaad ee abid laga helo caalamka ahna tii ugu horeysay muddo hal qarni ah ayaa laga helay dalka Botswana sida ay sheegtay shirkada dheemanta ee Lucara.

Dheemantan oo laga helay god laga qodo dheemanta oo ku taal meel u jirta 500km caasimada Gaborone ayaa culeyskeeda lagu sheegay inay gaareyso 1,111-carat

Waa dheemantii ugu weyneyd ee abid laga helo dalka Botswana iyadoo dalkaasina uu yahay wadan ku caan ah soo saarista dheemanta. Hase yeeshee dheemantii ugu cusleyd caalamka oo laga helay dalka Koofur Afrika sanadkii 1905 ayaa cabirkeedu ahaa 3,106-carat Cullinan, iyadoo dheemantaa badankeed ay qaadatay British Crown Jewels.

Shirkadda Lucara ayaa sheegtay in labo dheeman oo aan hore loo heli jirin laga helay dalka Botswana gaar ahaan halka loo yaqaan Karowe iyadoo dheemanyadaa ay ahaayeen kuwo ah dheemanta cad. Waxaa haatan la qorsheynayaa in la qiimeyo dheemantan iyadoo la sheegayo in ay qaali tahay lacagta lagu iibin doono.

Bishii April ayaa lagu iibiyay dheeman culeyskeedu ahaa 100-carat lacag gaareysa $22.1malyan taasoo u dhiganta ((£14.8m) magaalada New York dalka Maraykanka. Dheemantan qiimahaas la iibiyay ayaa asal ahaanteeda laga soo helay dalka Koofur Africa waxana ay qaadatay muddo sanad ah in la jaro loona habeeyo qaab wanaagsan.

Dalka Botswana ayaa ah dalka ugu weyn caalamka ee soo saara Dheemanta waxana ganacsigeedu uu ka dhigay dalkaas wadan daqliga soo gala uu yahay mid dhexdhexaad ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada