Muuqaal:- Ciidamada Amaanka Turkiga oo qabtay in lagu Tuhmayo weeraradii Paris

Muuqaal:- Ciidamada Amaanka Turkiga oo qabtay in lagu Tuhmayo weeraradii Paris

daajis.com:-Ciidamada booliiska Dalka Turkiga ayaa xiray nin dhalinyaro ah oo loogashakisan yahay in uu ku lug lahaa Weeraradii dhawaan ka dhacay Magaalada Paris ee Caasimada Faransiiska.

Ninkan ay qabteen Ciidamada booliiska Turkiga ayaa magaciisa lagu sheegay Ahmet Dahmani oo 26-sano jir ah, ninkan ayaana asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa Dalka Moroko, hasa ahaatee waxa uu waxa heestaa dhalashada Dalka Belgium.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ninkan la qabtay uu todobaadyo kahor uu tagay Magaalada Paris ee dalka Faransiiska si uu indho indheyn ugu sameeyo oobihii la qorsheeyay in ay weeraraan dagaalyahano katirsan Kooxda Daacish.

Ahmet Dahmani iyo labo nin oo u dhalatay Dalka Siiriya ayaa la qabtay xili ay ka gudbayeen xadka Dalkaasi la wadaago Siiriya,waxaana kusocda baraitanao ninkan heesta dhalada Beliumka iyo raga kale ee lala qabtay.

Booliiska la dagaalanka Argagaxisada dalkaTurkiga ayaa la sheegay in si hoose ula socdeen dhaq dhaqaqaa ninkan ay hada xireen tan iyo markii uu soo galay dalka Turkiga, waxaana ciidanadan ugu dambeyn ay xireen ninkan xili uu dalka Siiriya usiisocday.

Weeraradii ka dhacay Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska waxaa qeyb weyn kulaaa dhalinyaro heesatadhalada Dalka Belgiumka , waana mida keentay in amaanka dalkaasi si weyn loo adkeeyo iyada oo laga xabsi qabo in Weeraro ka geestaan Gudaha Dalka Beljiumka.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada