Daawo Al-Shabaab oo calankoodii ka taagay magaalada Marka

Daawo Al-Shabaab oo calankoodii ka taagay magaalada Marka

daajis.com:- Kooxda Al-shabaab oo maanta la wareegtay gacanta ku heynta magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana soo muuqday sawirrada Al-Shabaab oo dhex mushaaxaya magaalada Marka.

Waxaa wax lala yaabo noqotay in taliska AMISOM uu beeniyay in ay isaga baxeen magaalada Marka, iyagoo ku eedeeyay wararkaasi in ay fidiyeen caddowga Soomaaliyeed ee kasoo horjeeda nabadda iyo horumarada laga gaaray dhinaca amaanka.

Sawirro laga soo qaaday maanta magaalada Marka ayaa muujinaya maliishiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo dhex mushaaxaya magaalada Marka, isla markaana calamada madow ee Al-Shabaab ka dhex taagay wadooyinka.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada