Daawo Sawiro:- Muruga Leh oo laga helay Qaabkii loo Dilay Col Qadaafi iyo Bistooladiisii Dahabka aheed

Daawo Sawiro:- Muruga Leh oo laga helay Qaabkii loo Dilay Col Qadaafi iyo Bistooladiisii Dahabka aheed

daajis.com:- Warbaahinta Caalamka ayaa malamahan si weyn u baahineysay Sawiro cusub oo laga helay qaabkii loo dilay Hogaamiyihii Dalka Liibiya Kolonel Mucamar Alqadaafi, oo ku baxay gacanta maleeshiyaad hubeesan oo riday Dowladiisa.


Weriye ka tirsan Idaacadda BBC-da oo lagu magacaabo Gavriel Gatehouse, ayaa baadi goob u galay nin kamid ahaa maleeshiyaadkii gacanta ku dhigay waxna ka dilay Hogaamiyihii Dalka Liibiya , kaa oo moobeelkiisa ku qaaday sawiro tayo leh oo ku saabsanaa qaabka uu dilku u dhacay 5-sano kahor.

Sawirada uu soo helay Wariyaha BBC-da katirsan ayaa u muuqda kuwa katayo fiican kuwii hore loo baahiyay, waxaana Sawiradan ka muuqda Maleeshiyaadka oo gacanta ku haya Col. Qadaafi kadibna tooganaya.

Waxaa sidoo kale Sawirada la helay ka muuqda qaabkii ay u damaashaadeen maleeshiyaadka dilay Hogaamiyihii dalka Liibiya , kuwaa oo sidoo kale gacanta ku dhigay bistooladii dahabka ka sameesneed uu caanka ku ahaa Hogaamiyihii dalka Liibiya.

Kolonel Mucamar Alqadaafi, ayaa xilka Madaxtinimo ee dalka Liibiya qaab afgambi ah ku qabsaday sanadii 1969-kii, waxaana ugu dambeyn xilka laga tuuray lana dilay Sanadii 2011-kii , xiligaa ay dalka qeybo badan oo kamid ah la wareegeen Malaeeshiyaad hubeesan oo kacdoon xilka uga tuuray Qadaafi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada