Waa maxay Findoob ama Finqooq?

Waa maxay Findoob ama Finqooq?

daajis.com:- Findoobka ama Finqooqa sida dadka qaar u yaqaanaan waxa ay ka soo bixi karaan sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.
Findoobka wuxuu ku dhacaa wiilasha iyo gabdhaha intaba, wuxuuna u badan yahay xilliga ay qaangaarayaan.

Maxaa keeno Findoobka?

Inkastoo waxa toos u keeno finankaan aan la ogeyn laakiin waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay:

1- Daawooyinka qaar.

2- Heerka hormoonnada qofka (hormoonnada jinsiga oo kacsan ee loo yaqaano "Androgens" ayaa lala xiriiriyaa soo bixidda finanka wajiga ee u badan dhalinyarada, xilliga qaangaarka ama waqtyada haweenka ay uurka leeyihiin, halkaas ayaana loogu magac daray).

3- Bakteeriyo (waxaa la sheegaa in ay jirto bakteeriyo badanaa lala xiriiriyo in ay ka qeyb qaadato samaysan haaraha wajiga markii finanka ay soo baxaan ka dib).

4- Qanjirrada finanka oo aad u shaqeeya (Haddii qanjirrada soo daayo dheecaanka subkiya maqaarka ay aad u shaqeeyaan, waxay keeni kartaa in saliidda ku xiranto sidaasne ay finan ku samaysmaan)

5- Diiqada (welwelka iyo fekerka) - Fakarka, stresska ama walwalka waxaa lala xiriiriyaa findoobka.

6- Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada