Faah Faahinno ka Soo Baxaya Dagaalkii Maanta ee Maamulka Galmudug iyo Al Shabaab

Faah Faahinno ka Soo Baxaya Dagaalkii Maanta ee Maamulka Galmudug iyo Al Shabaab

daajis.com:-  Waxa ay faah faahin ka soo baxaysaa dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Ceel-cabdi ee Gobolka Mudug, waraka ayaa sheegaya in dagaalkani cuslaa uu dhexmaray Ciidamo taabacsan maamulka Galmudug iyo kuwa Al Shabaab.

Saraakiil u hadashay maamulka Galmudug ayaa sheegay in dagaal uu ahaa mid ay soo qaadeen ururka Al Shabaab islamarkaana dadka deegaanka iyo maamulka Galmudug oo iskaashanaya ay iska caabiyeen ayna khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamadii soo weeraray.


Ururka Al Shabaab ayaa barahooda Internetka ku soo qoray inay dagaalkaasi ku dileen askar kor u dhaafaysa ilaa 10 askari, sheegayna in dagaalka ay ku soo qaadeen Ciidamada maamulka Galmudug ee deegaanka Ceel-cabdi.
Xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay maanta ayaa hadda yara degan, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in inta dagaalka uu socday la maqlayay hubka cul culus iyo kuwa fud fudud oo ay labada ciidan is weydaarsanayeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada