Gaari ay Leeyihiin Ciidanka Dowladda oo Maanta Qarax loogu Dhigay Deegaanka Carbiska

Gaari ay Leeyihiin Ciidanka Dowladda oo Maanta Qarax loogu Dhigay Deegaanka Carbiska

daajis.com:- Waxaa maanta miino loo dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Mileteriga Soomaaliya, waxaana Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ku geeriyootay 4 askari  iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen 2 kale.

Qaraxani miino ayaa gaariga ay saarnaayeen Askarta ku haleeshay nawaaxiga deegaanka carbiska ee gobolka Shabeellada Hoose, intabadan Askartii gariga saarnayd ayaa la sheegayaa inay isla goobta uu shilku ka dhacay ay ku geeriyoodeen.

Miinadan ayaa ahayd mid dhulka ku aasneyd waxaana gaarigani uu ka mid ahaa 3 gaadiidka dagaalka ah oo ay ciidamadu wateen, kusii jeeday dhanka degmada Afgooye.

Askarta dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Xooga Dalka oo halkaasi baaritaanno ka billabay.
Mas’uul ka tirsan maamulka goblka Shabeellada Hoose ee deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo loo maleynayo in ay aasidda iyo hagidda miinadaasi ku lug lahaayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada