Maamulka Gobolada Dhexe oo Dagaalkii Dhuusamareeb ku Eedeeyay Dowladda (VIDEO)

Maamulka Gobolada Dhexe oo Dagaalkii Dhuusamareeb ku Eedeeyay Dowladda (VIDEO)

daajis.com:- Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna ayaa waxa ay ku eedeeyeen maamul Goboleedka Galmudug iyo ciidanka Mileteriga qaybta 21-aad inay ka qayb qaateen dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Xeefow, ayaa sheegay dagaalkaasi inay si cad uga qayb qaateen ciidamada Nabad Suggida Galmudug iyo ciidanka 21-aad oo uu sheegay inay ka soo duuleen Deegaanka Godinlabe.


Waxa uu tilmaamay ciidamadan inay hub culus u adeegsadeen shacabka Degmada Dhuusamareeb, balse ciidamada Maamulka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe ay difaaceen.

Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ayuu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Daraawiishta Maamulka Ahlu Sunna, halka ciidankii uu watay Liibaan Madaxweyne laga saaray Magaalada sida uu yiri.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ayuu sheegay inuu yahay mid ballaaran, balse ay wadaan tirakoobka ku aadan dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka.

Majirto cid ka madax Banaan Ahlu Sunna oo xaqiijinaysa in Galmudug iyo ciidanka Millateriga ay qayb ka ahaayeen dagaalkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada