UGAAR AH HAWEENKA:- Raga iyo noocayada ay ukala baxaan ee wax badan ka gow hadii aad doneysid in aad ogaato( Maqaal xasaasi ah)…

UGAAR AH HAWEENKA:- Raga iyo noocayada ay ukala baxaan ee wax badan ka gow hadii aad doneysid in aad ogaato( Maqaal xasaasi ah)…

daajis.com:-Asalamu Caleykum Waraxmatulaah salaanta kadib waxaa mahad iyo weynaan iskaleh Allaha uumay koonkaan amarkiisuna u dhaxeeyo Kaaf iyo nuun wax walbana ku cilmi leh. Intaas kadib nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabigeena muxamed SCW asaga iyo asxaabtiisa iyo ehelkiisaba dhamaantood. 

Intaas kadib waxaan jecleystay inaad ila wadaagtaan qoraalkaan xiisaha badan oo aan ugu tala galay bulsho weynta soomaaliyeed si ay iila wadaagan, qoraalkan waxaan uga hadli doona raga iyo qeeybaha ay ukala baxaan. Ragu way isku jiraan hadana waxaa wanaagsan inaan kala ogaano kuwooda wanaagsan iyo kuwooda xun xun si aanan ugu qaldoomin.
Hadaba raga way kala duwan yihin wayna badan yihiin lakiin madaama uu waqtiga ii saamixi wayay inaan dhamantooda ka hadlo waxaan soo qaatay shanta qeebood oo markaasi aan is leeyahay way ugu muhiimsan yihiin waana kuwa soo socdo. 1- Manfac wade:- Midkaan waa midka ugu aqliga badan raga uguna aqoonta badan dhan diini iyo maadi intaba waana midka ay bulshada ugu jecelyihiin waana midka inta badan u adeego, midkaan waa midka ugu sareeyo raga oo ay haweenka ugu jecelyihiin kuna duceystaan, midkaan inta badan nolosha dhan walbo oo uu wajaho wuxuu ka keena guulo wax ku ool ah, wuxuu wax u bartaa raali galinta Ilaahey, naftiisa, ehelkiisa, iyo dadkiisa iyo dalkiisa. Midkaan waa midka lagu tashto inta badan lana qadariyo ra’yigiisa madama uu yahay aqoon iyo aqli wada socda, midkaan wuxuu noloshiisa qabtaa ama lagu aamina xilalka aadka u sareeyo sida Madaxweyne, Ra’iisal wasaare, wasiir,

wasiir ku xigeen iyo xilal kale. 2- Muruq maal:- Midkaan wuxuu soo galaya kaalinta labaad, midkaan waxaa inta badan jecel ehelkiisa oo kala ah hooyadiisa, aabihiisa walaalihiisa, xaaskiisa, iyo caruurtiisa, midkaan inta badan waxba ma barto haduu bartana aqoontiisa sidaas uma sii buurna waa ay iska gaabantahay, Wuxuu u shaqeeya naftiisa iyo tan ehelkiisa oo kaliya. Midkaan inta badan wuxuu noqdaa ganacsato wuxuuna yeeshtaa lacag lakiin lacagtiisa ma jeclo inuu ku taakuleeyo cid aanan asiga ehelkiisa ahayn, way jiraan kuwo faro ku tiris ah oo masaakiinta u maciino lakiin saas uma badno. Midkaan inta badan ma ahan bulshaawi ama ma ahan mid bulshada soo dhax galo oo jecel inuu arimahooda wax ka ogaado maadama uu yahay muruq maal wuxuu inta badan ku mashquulsanyahay u shaqeynta reerkiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa, 3- Mayiikoole:-
Midkaan wuxuu soo galaaya kaalinta sadaxaad lakiin labadii aan kor kusoo xusnay ma gaarayo waayo midkaan aqligiisa wuxuu ku koobanyahay oo kaliya sida uu ku heli lahaay wax uu cuno, wax uu cabo, meel uu ku hoyado, wax xooga yar qarash ah oo uu jebka ku rito, iyo haween oo uu guursado, Midkaan inta badan bulshada maka soo dhax muuqdo waxna uma qabto hasa ahaate wuxuu jecelyahay meelaha ay haweenka iskugu yimaadan inuu tago haweenkana uu la haasawo maadama uusan camal kale haaynin waxna uusan baranin hadey ahaan lahaayd aqoonta noocyadeeda kala duwan sida diinta iyo maadiga. Midkaan inta badan noloshiisa waxay ku tiirsantahay eheladiisa iyo qaraabada madaama uusan shaqeysanin waxna uusan baranin.
Midkaan wuu sheeko badan yahay sidoo kalena wuu kaftan badanyahay markii ay asxaabtiisa isku yimaadan wuxuu uga sheekeeya haweenkii uu maanta wadada kuso arkay, sidoo kale wuxuu jecelyahay inuu haweenka la kaftamo la qoslo oo uu ugu sheekeyo sheekoyin aanan jirin oo asaga jeebkiisa ah, inta badan wuxuu haweenka u sheega inuu jecelyahay, wuxuu ka dhaadhiciyaa inuu wax walbo u sameynaayo, inuu nolosha dhib iyo dheefba uu la qeebsanaayo. Midkaan inta badan haweenka way soo dhaweeyan wayna jecelyihiin sheekoyinkiisa beenta ku dhisan lakiin marka dambi arintisa waxay kuso gabo gabowdaa fashil iyo inuu ka baxo balamihii uu qaaday guurka ka hor. 4- Mulaacib:-
midkan wuxu inta badan waqtigisa ku dhamesta dheel iyo or orod. Midkaan wuxu inta badan la dheel dhalinyarada sidiso kale xiiseyso cayarta xita hadii u yahay da’da afartameyada mararka qaar waxad arkeysa asigo ku dhax jiro lix iyo toban jirada misna la cayaarayo. Inta badan wuxu aad u xiiseya inu cayaaro kubada cagta iyo mida gacanta laga ciyaalo oo an u naqano basket ballka. Wuxu ku xiranyahay ama uu inta badan daawada cayaraha ka jiro aduun weynaha iyo waliba tartamada u dhaxeeyo kooxaha. Wuxu taagera kooxda uu markasi u arko iney leedahay qaab ciyaared aad u wanagsan sida Chelsea, Man UNT, Arsenal iyo kuwo kale. Wuxuna isku daya laacib hebel camal inu cayartisa keeno. Inta badan wax wu barta lakin hadane waxbarasha ihtimam badan ma siiyo wuxuna inta badan ku mashqulsanyahay daawashada cayaaraha. 5- Ma xishoode:-
Midkaan waa midka raga ugu liita uguna xun inta badan wuxuu ku howlan yahay ceebaha dadka kale rag iyo haweenba, wuxuu jecelyahay ama uu ku farxaa guuldarada dadka kale, midkaan inta badan bulshada xageeda lagama tixgaliyo wax qiimo ahna kama lahan, inta badan wuxuu mehrad iyo balwad ka dhigtaa meelaha ay iskugu yimaadan dadka aqliga gaaban sida caruurta yaryarka ah iyo haweenka, wuxuu inta badan sameeya waxyaabo anan naftiisa u fiicneen sida cabista sigaarka, cunista jaadka iyo dragska nooc walbo uu markaasi helo, midkaan inta badan waxaa meelaha lagu sheeg sheega ceebihiisa madama uu yahay ma xishoode. Inta badan waa uu dagaal jecel yahay midka ka yarna uma naxariisto wuu dilaa kan ka weyna ma ixtiraamo wuu af lagaadeeya, midkaan inta badan malahan aqli ku filan iyo aqoon midna, midkaan inta badan haweenka ma jecla wayna isku sheegaan inuu yahay maan gaab anan wax nolol ah lala wadaagi karin, midkaan inta badan nolosha wuu ku ciilanyahay dhan walbo waxayna ugu dambeyntii kuso gabogabowdaa qaab xun ama qaatimo xun. © Xuquuqda qoraalkaan waa mid xafidan. W/Q Haadi Hassan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada