Zlatan Ibrahimovic: Waxaan Sii Joogayaa Paris Saint-Germain Haddii Ay Taalada Eiffel Tower Ku Bedelaan Taaladeyda!

Zlatan Ibrahimovic: Waxaan Sii Joogayaa Paris Saint-Germain Haddii Ay Taalada Eiffel Tower Ku Bedelaan Taaladeyda!

daajis.com:- Zlatan Ibrahimovic ayaa shaaca ka qaaday inuu filanayo inuu ka tago Paris Saint-Germain dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ku hogaamiyay horyaalkoodii afaraad oo isku xiga.

Ibrahimovic ayaa dhaafay 100 gool oo horyaalka ah intii uu joogay PSG maanta, isagoo afar gool u dhaliyay kooxda Laurent Blanc kulankii ay 9-0 ku xasuuqeen kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Troyes taasoo ay ku xaqiijisteen hanashada horyaalka Ligue 1

Weeraryahanka reer Sweden oo qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League iyadoo Manchester United lagu waramayay inay xiiseyneyso.

Inkastoo madaxweyne Nasser Al-Akhelaifi uu sheegay inuu doonayo inuu kooxda ku sii hayo, weearyahanka ayaase ku kaftamay inuu kaliya caasimada faransiiska ku negaan doono haddii taalada ugu caasan dalka lagu bedelayo taaladiisa.
Waxa uu sheegay beIN Sport: “Ma aaminsanni inay ku bedeli karaan taalada Eiffel Tower taaladeyda – xitaa dadka iska leh kooxdaan – laakiin haddii ay sidaasi sameyn karaan, waan sii joogi doonaa halkaan, waan idiin balan qaadayaa.

“Waan faraxsanahay, waxaan mar walba xiriir fiican la leeyahay taageerayaasha, kooxda, si weyn ayay ii iila dhaqmaan. Cid walba ayaan xiriir fiican la leeyahay.

“Waan faraxsanahay laakiin waqti xaadirkaan ma doonayo inaan PSG sii joogo sannadka danbe. Waxaa ii hartay bil iyo bar kale, waana ku riyaaqayaa joogtitaanka halkaan.

“Waxa dhici doona sannadka danbe ma garanayo. Laakiin sida ay haatan wax yihiin halkaan ma sii joogi doono” ayuu yiri.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada