Daawo Sawirada:- Dad ku dhintay Dabaq Lix Biyaano ka kooban oo ku dumay magaalada ….

Daawo Sawirada:- Dad ku dhintay Dabaq Lix Biyaano ka kooban oo ku dumay magaalada ….

daajis.com:- Inta la xaqiijiyay 6-qof ayaa ku geeriyootay kadib markii uu kusoo dumay dhismo dabaq lix biyaano ka kooban oo kuyaala Magaalada Nairobi, waxaa sidoo kale dhaawacyo uu soo gaaray dad kale oo ku sugnaa dhismaha soo dumay.

Dabaqan ayaa dumay shalay galab xili roob xoogan uu ka da’ayay magaalada Nairobi, waxaana dadka dhintay la sheegay in dhismaha Dabaqaas ay uga okoranayeen roob xoogan oo xiligaasi da’ayay, waxaana kusoo dumay dhismaha ay ku hoos jireen.

Ciidamada Gurmadka ayaa sidoo kale bad baadiyay dad kale oo badan oo ku jira dhismaha dabaqa ee soo dumay, waxaana sabab looga dhigayaa dumitaanka dabaqan roob mahiigaan ah oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada Nairobi.

Wadooyinka magaalada Nairobi ayaa saameyn badan waxaa ku yeeshay roobabka da’ayay, waxaana biyo badan ay buuxaan qaar kamid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada Nariobi, waxaana caasimada Kenta laga dareemayaa saxmad aad u badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada