Madaxweyne Guuleed oo gaadhay Jigjiga iyo Axmed Madoobe oo ku howlan in lasoo Af-jaro Xiisadii Dagaalkii GALGADUUD

Madaxweyne Guuleed oo gaadhay Jigjiga iyo Axmed Madoobe oo ku howlan in lasoo Af-jaro Xiisadii Dagaalkii GALGADUUD

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya iney ku wada sugan yihiin madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed.

Ujeedada socdaalka labadaasi madaxweyne ee Jigjiga ayaa lagu sheegay iney tahay dhexdhexaadin u bilaabaneysa maamulka DDSI iyo Galmudug oo dhawaanahaan ku dagaalamayay deegaano dhaca xuduuda Galgaduud ee dhanka Ethiopia.

Axmed Madoobe ayaa hishiiskaasi goobjoog ka ahaanaya, waxaana dowlada Ethiopia ay dooneysaa in la dhameeyo xiisadaha ka taagan deegaanada Xuduuda dhaca, Axmed Madoobe oo maalmo ka hor tagay magaalada Jigjiga ayaa soo jeediyay in dhexdhexaadin laga dhex bilaabo labada maamul, waxaana madaxweynaha maamulka DDSI uu aqbalay dalabka madaxweyne Axmed Madoobe.
Lama garanayo waxyaabaha ka soo bixi doona wada hadaladan, balse Nabadoonka Sannadka ee Siyaasada Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hadda jooga madasha wada hadalsiinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada