Daawo Video: Olalaha qaad joojinta oo si wayn uga bilaamay magaalada Muqdisho

Daawo Video: Olalaha qaad joojinta oo si wayn uga bilaamay magaalada Muqdisho

daajis.com:Abukar Cawaale Qaad-diid oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta booqday Jaamacada Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxa uuna kulan balaaran la qaatay ardayda iyo maamulka Jaamacadaasi.


Qaad-diid ayaa kulanka uu la qaatay Ardayda Jaamacada Jazeera waxaa looga hadlay sidii Ummada Soomaaliyeed looga joojin lahaa qaadkan qaribay Soomaali badan dhibaatana u horseeday Qoyas fara badan. 

Kulanka waxaa ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Jazeera ee dhinaca Academic-ga Prof C/Rasaaq Maxamed Xaashi, waxa uuna bogaadiyay ololaha Qaadka looga wacyi galinayo bulshada Soomaaliyeed, siiba dhalinyarta Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay taageersan yihiin Qorshaha Qaad-diid uu wado. 

Abukar Cawaale oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ololahan lagu joojinayo Qaadka dadkana looga wacyi galinayo uusan kaligiis hada ku koobneyn ayna Umadda Soomaaliyeed ogaatay dhibka uu Qaadku ka hayo qof walba oo cuna.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada