Qaramada Midoobay oo ka digtey in la dabargooyo dadka Albinaha ee dalka Malawi

Qaramada Midoobay oo ka digtey in la dabargooyo dadka Albinaha ee dalka Malawi

daajis.com:- Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digey in la ciribtiro dadka loo yaqaan albiinaha ee dalka Malawi iyadoo loo dilo dadka albinaha in qeybaha jirkooda sixirka.

Ikponwosa Ero ayaa sheegtay in la diiwaangeliyay illaa iyo 65 xaalaood oo ah dadka jirkoodu uu cas yahay ee lagu weeraray gudaha dalka Malawi tan iyo dhamaadkii sanadkii 2014.

Haweeneydan ayaa ku baaqday in dowlada Malawi looga baahan yahay in ay sare u qaado sidii loo ilaalin lahaa dadka albinaha loo yaqaan isla markaana la baaro dadka ka dambeeya weerarada loo geysanayo dadkan.

Baaqan ayaa yimid markii labo ruux lagu xukumay xabsi gaaraya 17 sano kadib markii lagu helay inay dileen  haweeney 21 sano jir ahayd oo ka mid ahayd dadka midabkoodu uu casaanka ama guduudka yahay.

Haweeneydan ka tirsan guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Ms Ero ayaa sheegtay in dadka albinaha ah loo yaqaan ay yihiin kuwo jirkooda uu kordhiyo taajirnimada ama ganacsiga.

“Xitaa dadka albinaha ah marka ay si caadi ah u geeriyoodaan waxaa la faqaa qabuurahooda,”ayay sii raacisay haweeneydan.
Ms Ero, oo lafahaanteeda ah dadka cascas ama albinaha loo yaqaan ayaa sidoo kale sheegtay in dalka Malawi oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka ay dadka u dilayaan dadka albinaha ah in ay dhaqaale ka helaan jirkooda.

Sidoo kale wadamo kale ayaa jira oo lagu ugaarsado dadka albinaha ah ama casaanka ah ayaa waxaa ka mid ah dalka Malawi, Mozambique and Tanzania.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada