Sawirro: Samar Ezz Eldin oo saadaalisay inay ku dhiman doonto diyaaradda EgyptAir oo u rumowday

Sawirro: Samar Ezz Eldin oo saadaalisay inay ku dhiman doonto diyaaradda EgyptAir oo u rumowday

daajis.com:- Samar Ezz Eldin oo ka mid aheyd shaqaalihii “hostess” diyaaradda EgyptAir ee ku burburtay badda Mediterranean ayaa 18 bilood ka hor saadaalisay in ay ku dhiman doonto wixii ay saadaalisay, iyadoo sidii ay u sheegtayna noqotay.

Arintaan la yaabka leh ayaa ah in Samer Ezz Eldin ay barteeda Facebook soo dhigtay sawir muujinaaya burburka diyaarad ku dhacday badda Mediterranean, isla markaana kasoo baxeysa iyadoo boorso jiideyso badda, gadaasheeda uu ka muuqdo baalka diyaaradda oo badda ku dhex jiro, waxayna sheegtay in diyaaradda ay ku dhiman doonto duulimaadkeeda iyo lambarkeeda oo ah MS804, sidaasina ay u noqotay wixii ay saadaalisay.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn dhacdadaan ugu hadlay iyagoo baahiyay sawirka ay soo dhigtay Facebook bishii September 2014.

Samer Ezz ayaa waxay ka baxday jaamacadda Shams University in Cairo iyadoo baratay luuqadaha casriga ah. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada