daajis.com:- Ciidamada booliska ee Somaliland ayaa waxay gacanta ku dhigeen rag gaaraya ilaa 22 nin oo loo haysto inay yihiin kuwa dadka ka tahriibin jirey Somaliland, waxaana lagu wadaa in goor dhow Maxkamad la soo taago.
Waraysi uu bibiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, General C/laahi Fadal Iimaan ayaa waxaa uu sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan 22 Magafayaal ah, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan loo soo xir xiray maalmihii u danbeeyay.
Taliyaha ayaa wuxuu cadeeyay inay hayaan cadeymo muujinaaya in dadkaasi ay Magafaal yihiin, Cadeymaha ay hayaan ayuu xusay inay ka mid yihiin dokumentiyo been abuur ah oo ay dadka ku safrin jireen iyo sawirada dadkii ay tahriibinayeen.
Taliyaha ayaa waxaa uu intaa ku daray raggaasi inay horkeeni doonaan cadaaladda si sharciga loogu qaado, haddii ay ku shaqaystaan tahriibinta dadka.
Raggan la qabtay ayaa xiriir toos ah la lahaa muqalisiinta ku kala sugan Itoobiya, Sudan, Masar iyo Libya, waana shabakad isku xiran oo dadka tahriibisa.
General C/laahi Fadal oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxaa uu muujiyay in Somaliland ay ka go’an tahay inay la dagaasho tahriibka.
Somaliland ayaa baraarugtay wixii ka dambeeyay markii ay soo baxeen wararka sheegaaya in dhalinyaro boqolaal kor u dhaafaysa oo Soomaali ihi ku geeriyoodeen badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at