Wiilkii Reer Falastiin ee Dhaawaca Xun Soo Gaaray oo Maxkamad lasoo Taagay (SAWIRRO)

Wiilkii Reer Falastiin ee Dhaawaca Xun Soo Gaaray oo Maxkamad lasoo Taagay (SAWIRRO)

daajis.com:- Maxkamada Isra’iil ee ku taal magaalada ay haysato ee Qudus (Jerusalem) ayaa xukun ku riday wiil 14 sano jir ah oo u dhashay Falastiin oo lagu eedeeyey iskuday dil labo qof oo Yuhuud ah.

Wiilkan lagu magacaabo Axmed Manasra iyo wiil ay ilmo adeer ahaayeen oo lagu magacaabay Xasan Manasra ayaa bishii Oktoober ee sanadkii tagay lagu eedeeyey inay doonayeen inay mindi ku dilaan dad Isra’iiliyiin ah oo ku sugnaa deegaanka Yuhuuda qabsatay ee bariga magaalada Qudus.

Xasan Mansara oo isagu ahaa 15 sano jir ayey dileen ciidamada Isra’iil xiligaasi, balse Axmed Manasar oo ah 14 sano jir isla markaana dhaawacyo soo gaareen ayaa maxkamad loo soo taagay dacwadan.

Axmed Manasar ayey dhaawacyo xun soo gaareen kadib markii nin isra’iili ah uu gaarigiisa jiirsiiyey, ayaa sheegay inaysan dooneyn in qof dilaan balse doonayeen inay cabsi geliyaan isra’iiliyiinta dhulkooda xooga ku heysata.

Maxkamada ayaan weli ku dhawaaqin xabsiga lagu xukumi doono wiilkan aan weli qaan gaarin, balse waxaa la filayaa in lagu rido xukun ah 10 sano oo xabsi ah, hase yeeshee qareenkiisa ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan, maadaama Axmed uu weli yahay wiil aan weli qaan gaarin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada