Qiso Layaab leh oo ka Dhacday Muqdisho kadib, Gabadhii Indha Shareerka Wadaday ee soo raacday gaariga.

Qiso Layaab leh oo ka Dhacday Muqdisho kadib, Gabadhii Indha Shareerka Wadaday ee soo raacday gaariga.


daajis.com:- Gaariga baska anigoo saaran ayaa gabar waxaa usoo dhacay teleefoon gabadhana way indho shareerantahay, alxamdulillah alxamdulilah ayee ku celcelineesay markii lala hadlaayay, ruuxa soo wacay in uu nin ahaa iyo naag midna lama ogo, markii ay teleefoonka isi saartay ayee tiri waxaan doonayaa in aan idin afuriyo oo aad xaafada ii raacdaan? 

Dhamaanteen waan cudur daaranay, waxay tiri ruux walba gurigiisa waa lageenaa, aniga waxaan iri gabalka wuu sii dhacayaa, ma afur baa ka jiro guriga oo yacni lasii iyaariyay oo dad badan loogu tala galay masa waa wax hada kuugu dhashtay?

waxay tiri maya ee markaan gaarno xaafada ayaa idin habeenaa? 

shaki baa nawada galay, teleefoon kale ayaa usoo dhacay mana garaneeno ma isla ruuxii hore ama mid hor Allah, alxamdulillah ayee ku cel celisaa hadal aan aheen Alxamdulillah kama soo baxo afkeeda, qaar ka tirsan rakaab ka way dagteen ma cabsi ayee katahay ama meelihii ay dagnaayeen ayaa la soo gaaray Allah aclam, qof kasta ee gaariga ka daganayo gaari raaca iyada ayaa tiraah darawalow aniga ayaa bixinayo.

aniga waxaan iri afurka EVC ahaan iisii? maya ayee tiri EVC ma isticmaalo, darawalkii baa yiri wallahi kaama yeeli doono 6dii ruux ee dagatay lacagtoodii ma haayo, gabadhii waxay la soo baxay lacag aan qiyaasayo in ay ku dhowdahay kun doolar, dhamaanteen laabta ayaa nawada qabowday inkastoo aan isleeyahay ma doolarkii faalsada ahaa waaye, bas waxaan ku iri halkoo boqol ma iska keesiisidoo ? 
Aniga oo kaftamaya, way isiisay markii aan gacanta ku hubsaday 100kii ayaan maagay dago, waxay itiri maya waad saarnaanee ilaa aan kaa afuriyo.

la soco qeybta 2aad sheekadaan habeen danbe.


WQ:- Daalac Daahir .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada