Axmed Madoobe oo si aan la fileyn kaga hadlay Tartan ka socda Muqdisho

Axmed Madoobe oo si aan la fileyn kaga hadlay Tartan ka socda Muqdisho

daajis.com:- Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islam ayaa u hambalyeeyay xulka Jubaland ee u gudbay fiinaalka koobka dowlad gobaleedyada/Gobollada.

Madaxweynaha oo qadka Taleefoonka ooga qayb galay barnaamij toos ah oo loogu hambalyeeyanaayay xulka Jubaland kaa oo ka baxay Jubaland TV ayaa bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee xulka Jubaland ka gaarayaan xulka Maroodiyaasha ka gaarayaan ciyaaraha gobollada / dowlad gobaleedyada.

“Waxaan u hambalyeeynaaya xulka Jubaland ku matalaya ciyaaraha ka soconaya Muqdisho, guul ayaana u rajeynaayaa” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku boorriyay xulka Jubbaland inay anshaxa ilaaliyaan ayna xoogga saaraan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen tartankan.

“Waxaan usheegaayaa dhallinyarada, macallimiinta iyo guud ahaan ciyaartooydaba inay ilaaliyaan anshaxa ciyaaraha ayna ka fogaadaan khalaadaadka iyagoo diiradda saaraya marwalba guusha” ayuu yiri maxaweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale so hadal qaaday hormarinta isboortiga Jubaland isagoo sheegay in ciyaaraha la hormarin doono garoomo iyo meel gaar u ah loo dayactiri doono.

Madaxweynaha ayaa hambalyadan oo kale xulka Jubaland udiray kulannkii ay ka adkaadeen Galmudug wareeggi hore ee ciyaaraha.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada