Daawo:- Kooxda Al-Nusra ee Suuriya oo isaga baxday shabakada Al-Qaacida

Daawo:- Kooxda Al-Nusra ee Suuriya oo isaga baxday shabakada Al-Qaacida

daajis.com:- Hogaamiyaha kooxda Al Nusra Front ee Al Qacidada wadanka Siiriya ayaa ku dhawaaqay inay ka goosteen oo ay si rasmi ah uga baxeen Shabakada Al Qacida oo ay horey uga tirsanaan jireen.

Abu Mohammed al-Jolani oo ah hogaamiyaha rasmiga ah ee Al Nusra ayaa markii ugu horeysay shaaciyey filim uu uga hadlayo go’aanka ay qaateen ee ka bixitaanka kooxda Al Qacida.

Go’aanka Nusra ayaa lagu sheegay in ay la xariirto in kooxda Al Nusra ay dooneyso inay hawlahooda ku ekeeyaan ama xooga ku saaraan dagaalka ka socda gudaha wadanka Siiriya, isla markaana isaga baxeen jihaadkii ay sheegeen inay waday shabakada Al Qacida oo dalal kala duwan ka hawlgasha.


Al Nusra ayaa sheegtay in go’aankan ay la socod siiyeen hogaamiyaha Al Qacida Ayman Al Zawahiri isla markaana uu aqbalay in kooxdooda ka baxdo Al Qacida.

Kooxdan ayaa sheegtay in isbaheysiga Maraykanka iyo waliba Ruushka ay duqeymaha ay la beegsanayaan siiriya mararsiinyo uga dhigtaan inay duqeenayaan kooxda Nusra maadaama ay xubin ka tahay Al Qacida arrintaasina dhibaato weyn kasoo gaartay dadka reer Siiriya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada