Erdogan oo sarkaal Ameerikaan ah ku eedeeyay inuu wax ka waday Inqilaabkii..

Erdogan oo sarkaal Ameerikaan ah ku eedeeyay inuu wax ka waday Inqilaabkii..

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa eedeeyn u jeediyay saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka dalka Mareykanka ,kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Erdogan ayaa sarkaal sare oo ka mid ah militariga Mareykanka ku eedeeyay inuu la jiro dadkii isku deyay inay dowladda afgembiyaan, laba isbuuc ka hor, ninkaasna waxaa lagu magacabaa Janaraal Joseph Votel

Janaraal Joseph Votel ayaa dhawaan sheegay in shaqa ka eryidda ciidamada Turkiga kadib afgembigii dhicisoobay uu wax u dhimayo wada shaqeynta militariga.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Ankara, madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu sheegay in dalalka cambaareynaya howlgalka maamulkiisa, looga baahan yahay inay mahdiyaan Turkiga sida uu uga hortagaya fagembiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada