Ibrahim Karagul: Mareeykanka waxeey isku dayeen ineey dilaan Erdogan

Ibrahim Karagul: Mareeykanka waxeey isku dayeen ineey dilaan Erdogan

daajis.com:- Tifatiraha wargeys caan ah oo kasoo baxa dalka Turkiga, ayaa sheegay in afgambigii dhicisoobay ee isbuucii hore dhamaadkiisi ka dhacay turkiga uu soo qorsheeyay Mareeykanka, islamarkaasina uu doonayay in la dilo Madaxweynaha sida xaqa ah shacabkiisa u doorteen ee Erdogan.

Ibrahim Karagul, waa tifatiraha jariirada Yeni Safak, waana jariirad u janjeerta dhanka midig, waxaana inqilaabkii dhicisoobay uu ku eedeeyay Mareeykanka.

Ciidamada Sirdoonka iyo kuwa Booliska ayaa hada wada xir xiris xoogan, kuwaasoo lagu sifeeynayo ciidamadii iyo saraakiishii soo abaabushay inqilaabka, waxaana ilaa iyo hada jeelka la dhigay inkabadan 7,000 shaqsi.


“Maamulka Mareeykanka ayaa soo abaabulay Inqilaabka iyagoo adeegsanaya koox argagixiso ah uu hogaamiyo wadaadka Fathulah Gulen, waxeeyna isku dayeen ineey dalka ka qarxiyaan dagaalo ahli ah shacabkeenuna isaga is dilo” sidaas ayuu yiri Ibrahim Karagul.

“Mareeykanka iyagaa soo abaabulay arintan..jeneraalada iyo  Khaa’imiinta waxeey fariimo ka heleen Gulen, kaasoo ku nool Mareeykanka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dhanka kale Madaxweyne Erdogan iyo Dowladiisa, ayaa Mareeykanka u diray codsi ah ineey usoo gacan geliyaan wadaadka mayalka adag ee Gulen, kaasoo hada ku nool dalka Mareeykanka oo magangalyo siyaasadeed siiyay, waxaana lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii soo abaabushay af-gambigii dhicisoobay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada