Madaxweynaha Faransiika oo la Kulmay Hogaamiyeyaasha Diimaha ee Dalkaasi (VIDEO)

Madaxweynaha Faransiika oo la Kulmay Hogaamiyeyaasha Diimaha ee Dalkaasi (VIDEO)

daajis.com:- Hogaamiyayaasha diimaha ka jira dalka Faransiiska ayaa ku baaqay in la adkeeyo ammaanka meelaha lagu cibaadaysto,markii laba nin ay dileen baadari ku sugnaa kaniisad Talaadadii.

Hogaamiyaha Muslimiinta dalka Faransiiska Dalil Baubakeur, ayaa sheegay inay rabaan in si joogta ah loo adkeeyo ammaanka,ka dib kulan ay la qaateen hogaamiyayaasha Islaamka Kiristaanka iyo Buddistaha madaxweynaha dalkaasi Francois Hollande, si ay u muujiyaan taageero ay u hayaan in laga feejignaado weerarrada Argagixisada Caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan la qaatay golaha difaaca, wuxuuna ka digay qataraha xagjirnimada iyo in layska kaashado ka hortagga waxyeelladooda.

12 Cisho ka hor ayay ahayd markii weerar loo adeegsaday gaari xamuul ah uu ka dhacay magaalada Nice ee dalka faransiiska,kaasoo sababay geerida dad kor u dhaafaya 84 qof oo isugu jira dad haysta Diimo kala geddisan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada