Nin Kii Ugu caan Sanaa Mad-habta Katooliga, Oo Muslimay Iyo Isagoo Kahadlay Hadalo Lalayaabay, Iyo Islaa nimadisi.

Nin Kii Ugu caan Sanaa Mad-habta Katooliga, Oo Muslimay Iyo Isagoo Kahadlay Hadalo Lalayaabay, Iyo Islaa nimadisi.

daajis.com:- Waxyaabaha aad ii soo jiitey waxaa ka mid ahaa wiilka yar marka uu i arko isagoo wejigiisa farxad ay ka muuqato ayuu igu salaami jirey salaanta islaamka Asalaamu Calaykum iyadoo marka aan weeydiiyo xaaladiisa uu igu oran jirey Al Xamdulilaah waxaana xaqiiqdii aad ii soo jiitey dhaqanka wanaagsan ee wiilkaa yar ee kabo caseeyaha ahaa iyo qaneecada ka muuqatay isagoo waxba heysan aaqirkiina wiilkaa yar ee reer Masar ayaa waxaa uu sabab ahaa inaan diinta islaamka soo galo.

Wiilkii yaraa waloow uusan maqlin inaan Muslim noqdey, balse Ilaaheey ayaa maalinta qiyaame ka abaal marin doona waxaana markii aan islaamay dareemay wanaagga uu islaamku leeyahay iyo Nimcadiisa waxaana ogaadey diinta islaamku in ay tahay xaqiiqdii mid ka fog Dacaayadaha ay warbaahinta Reer Galbeedku ku hayaan diinta Islaamka.

Hadaba markii uu Muslimay ninkan ayuu waxuu doortey inaan la baxo Magaca ah Idris Towfiiq wuxuuna qorey dhawr Buug oo uu ka mid yahay Buugga la yiraahdo (Ask about Islam), Hooyadiis waa qof waayeel ah, waxay tagi jirtey Kaniisadda maalmaha Axada, wuxuuna yiri:- Subax walba oo Axad ah markey tageyso Kaniisada waxaan siiyaa oo gacanta aan ka saaraa Buugga aan qorey ee (Ask About Islam) wax dhibaato ahna kalama aan Kulmin qoyskeyga markaan diinta islaamka soo galay, Allaahna had iyo jeer waan u baryaa qoyskeyga in Eebe soo Hanuuniyo, dariiqa xaqqa ahna uu u Ifiyo.

Ugu dambeyntii walaal dhaqanka wanaagsan ee diinteena islaamka na farayso haddaan ku dhaqano xumaanta aan ka tagno wanaagana aan is farno waan liibaaneynaaa Aduun iyo Aakhiro insh Allaah.

Fadlan walaal adigoo mahadsan share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada