Saamaynta Saalax Badbaado oo is Qarxiyey, uu ku Reebay Shacabka Reer Muqdisho & Xildhibaanada (Video)

Saamaynta Saalax Badbaado oo is Qarxiyey, uu ku Reebay Shacabka Reer Muqdisho & Xildhibaanada (Video)

daajis.com:- Kadib markii magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde uu isku Qarxiyey Saalax Badbaado oo horey usoo noqday Xildhibaan ayaa waxay sababtay in laga cabsado Xildhibaanada Baarlamaanka wakhtgiisa sii dhamaanaayo.

Dadka magaalada Muqdisho, ayaa markii ay maqleen wararka sheegaya in Xildhibaan hore uu is qarxiyay, ayaa waxa ay bilaabeen inay ka cabsadaan Xildhibaanada iminka shaqeeya,  Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in xildhibaanada qudhooda ay iska kala shakinayaan ayna kala cararayaan, sababo la xiriiro in midkood uu is‐qarxiyo.

Shacabku waxa ay qabaan inay dhici karto in fal ceynkaasi ah ay fuliyaan Xildhibaanada iminka xilka uu kasii dhamaanaayo, maadaama Xildhibaankii hore uu ahaa mid da’ ah.

Hadal heynta ugu badan ayaa ah in Xildhibaanada iminka jira ay ku dhex jiri karaan kuwo la shaqeeya maleeshiyaadka Al‐shabaab kuwaasi oo loo adeegsan karo weerarada soo socda. Xildhibaanada qaar ee ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa lagu xantaa inay xiriir la leeyihiin Al‐shabaab, taasina ay suuragalinkarto in maleeshiyada Al‐shabaab ay u fududeeyan howlo badan ka hor inta aysan kuraasta Baarlamaanka baneyn.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada