Turkiga oo Xabsiga u Taxaabtay Wariyeyaal, Shaqada ka Burisay dad Gaaraya Ilaa 2400 qof (VIDEO)

Turkiga oo Xabsiga u Taxaabtay Wariyeyaal, Shaqada ka Burisay dad Gaaraya Ilaa 2400 qof (VIDEO)

daajis.com:- Xukuumadda Turkiga ayaa waxa ay ku dhawaaqday in shaqada laga eryay Ciidamo Militari ah oo gaaraya 2,400 oo askari, kuwaasi oo lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen in Qilaabkii dhicisoobay orshihii dhicisoobay ee Afgambiga.

Qorshaha lagu eryay ciidamadan, ayaa waxa ay jawaab celin u aheyd afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga ka dhacay Bishan gudaheeda, waxaana la xiray dhowr xarumo Warbaahineed ah.

Ugu yaraan hal wariye, ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo la soo saaray amar lagu soo xiraayo 47 ruux oo hore uga tirsanaa shaqaalaha tifaftirka warbaahinta Zaman ee dalkaasi Turkiga.

Dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale xirtay xarumo badan oo hay’ado ah iyo iskuulo badan, kuwaasi oo la sheegay inuu lahaa ninka lagu tuhmaayo inuu qorsheeyay Afgambiga fashilmay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa ku tilmaamtay tallaabada noocaasi ah mid keliya ka turjumeyso hab aan qurxoonayn.

Warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ayaa ku waramay in dowladdu ay ku amartay in la xiro illaa iyo 45 wargeys, saddex wakaalad wareedyo iyo lix iyo toban talefishinno.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada