XOG: Xasan Sheikh oo Xabsiga Dhigay Xasan Faarax oo…

XOG: Xasan Sheikh oo Xabsiga Dhigay Xasan Faarax oo…

daajis.com:-   Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in cabsiga la dhigo ruux sawir ka qaaday isaga oo hurda kadib markii uu booqasho ku aaday saldhiga deegaanka Balidoogle oo ciidamada dowlada ay degen yihiin.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay xabsiga dhigeen Xasan Faarax oo sawir ka qaaday Xasan Sheikh isaga oo hurdaya kadib markii uu gaari la raacay.

Xasan Sheikh ayaa sida sawirka ka muuqata wuxu ku hurday kuriga gaariga uu saarnaa, waxaana Xasan uu ka qaaday Sawirka loo yaqaan Selfie Picture, iyadoo Xasan uu kamid ahaa shaqaalaha Balidoogle.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in Xasan Faarax oo sawirkaasi soo dhigay bartiisa Facebook uu wajahay in shaqada laga eryo xabsigana loo taxaabo, iyadoo saacad kadib uu bartiisa ka saaray sawirka.

Warbaahinta ayaa siyaabo kala duwan kaga hadashay sawirka Xasan Sheikh laga qaaday isaga oo hurda, balse waxay saameysay Xasan Faarax oo shaqadiisa ku waayay sawirkaasi, iminkana la sheegayo in xabsi loo taxaabay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada