Xog: Xildhibaanada Al-Shabaab ee baarlamanka cusub ee 2016

Xog: Xildhibaanada Al-Shabaab ee baarlamanka cusub ee 2016

daajis.com:- 
from Caasimada Online by Asad Maxamed Gacal
Thu Jul 28 2016 10:20:08 (4 hours)
# 4.
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan saacado ka hor ka dhacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga soo saaray digniin la xiriirta in DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka ay Baarlamaanka cusub usoo wakiishaan Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Kulankaani oo ay ku dhamaayen inta badan Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu muujiyay walaaca ay ka qabaan in maleeshiyaadka Al-shabaab adeegsadaan Xildhibaanada cusub, waxa ayna wakiiladu carab dhabeen suuragalnimada in Kooxda ay xubno ku dhexyeeshaan Baarlamaanka imaan doona.

Wakiiladu waxa ay sheegen in Al-shabaab ay ku dhiiraneyso inay bedesho waxyaabihii looga bartay islamarkaana ay suuragal tahay inay amni darada Somalia, ay u adeegsadaan shaqsiyaadka aan laga fileynin.

Sidoo kale, waxa ay kulankooda ku sheegen in siyaasada Al-shabaab ay aad uga fogtahay tan ay adeegsato dowlada Federaalka ah ee Somalia, sidaa aawgeedna ay suuragalinkarto inay jahwareer galiso Hay’adaha amaanka maadaama ay isbedel cusub ku sameeyen amni darada ay kawadaan magaalada Muqdisho iyaga oo adeegsanaaya wajiyo cusub.
Dhanka kale, waxa ay isla soo hadalqaaden qaababka ay u shaqeeyan Hay’adaha amniga Somalia, waxa ayna aad u dhaliileen sida ay wax u wadaan iyaga oo ku taliyay in waxbadan laga bedelo amniga magaalada Muqdisho iyo qaabka ay howsha u socto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada