Al Shabaab oo Sheegatay Qaraxyadii Maanta ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo (VIDEO)

Al Shabaab oo Sheegatay Qaraxyadii Maanta ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo (VIDEO)

daajis.com:- Urur Al shabaab ayaa sheegtay inay iyagu ka dambeeyeen weeraradii maanta lagu qaaday xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax ee qaybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

War qoraal ah oo ay Al-shabaab ay ku baahiyaan baraha Social-Media-ha, ayay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxyadii khasaaraha badan ka dhashay ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.


Geerida inta la ogyahay ee ku dhimitay qaraxaasi ayaa waxa ay iminka marayaan ilaa 18 Ruux, waxaana isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo la gaarsiiyay dhaawacyo ka badan 30 Ruux, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee isbitaalkaasi.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin Qaraxyada maanta ka dhacay xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada