Buundo Qadiimi ah oo Maanta ku Duntay Dalka India iyo Dad 2000 Gaaraya oo Lagu La’yahay (VIDEO)

Buundo Qadiimi ah oo Maanta ku Duntay Dalka India iyo Dad 2000 Gaaraya oo Lagu La’yahay (VIDEO)

daajis.com:- Buundo qadiimi ah ayaa maanta ku duntay Dalka Hindiya, Waxaana laga cabsi qabaa iney burburka buundadani ku dhinteen dad kor u dhaafaya ilaa 2000 (Labakun) oo qof.

Buundada maanta duntay ayaa la sheegay inay isku xirto magaalooyinka waaweyn ee Mumbai iyo Goa oo ku yaala galbeedka dalka Hindiya.

Laba bas oo siday dad badan ayaa ku dhacay wabiga subaxnimadii saaka xili ay dulmarayeen buundadaasi duntay, sidaasi waxaa sheegay masuuliyinta dalka Hindiya.

Sarkaal ka tirsan booliiska oo la yiraahdo Sanjay Patil ayaa u sheegay wakaalada wararka AP, in shaqaalaha gargaarka aysan arkin dad badbaaday ama baabuur biyaha sabeynaya.

Waxaa xaalada uga sii daray Roob xoogan oo baryahanba ka da’ayay deegaanka, adkeeyayna howlgalka shaqaalaha badbaadada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada