Daacish oo Gabi ahaanba Laga saaray Magaalada Manbij ee Dalka Suuriya (VIDEO)

Daacish oo Gabi ahaanba Laga saaray Magaalada Manbij ee Dalka Suuriya (VIDEO)

daajis.com:- Magaalada Manbij oo ku taala meel u dhow xuduudka dalka Turkiga ayaa waxaa gabi ahaanba laga xoreeyay kooxda xagjiriinta ah ee Daacish, kadib markii dagaal wada jir ah ay ku qadeen kooxo jabhado isu tegay oo taageero ka hela dalka Maraykanka.

Xoogaga Kurdida iyo Carabta isugu jira ee SDF (Syrian Democratic Forces) ayaa gabi ahaanba la wareegay maamulka magaalada Manbij, waxayna dadka deegaanka ugu baaqeen inay wixii maanta ka bilaawda ay yihiin dad xor ah.




Afhayeen u hadley ciidamada jabhadda Kurdida iyo Carabta isbahaystey ee SDF ayaa sheegay in isbahaysigoodu ay la wareegeen magaaladaasi, haddana ay ku mashquulsan yihiin sugidda amniga, saarida miinooyinka iyo waxyaabaha kale ee qarxa uu ka dhalan karo.

Ciidamadii ururka Daacish ee ku sugnaa magaaladaasi ayaa la sheegay inay isaga Jarmaadeen, iyaga oo horey usii kaxaystay dad badan oo ay afduub ku haysteen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada