Daawo: Khudbadii Salaad Cali Jeelle ka Jeediyey Shirkii beesha Hawiye

Daawo: Khudbadii Salaad Cali Jeelle ka Jeediyey Shirkii beesha Hawiye

daajis.com:- Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa wuxuu ka jeediyey Shirkii Beesha Hawiye ay ku qabsatay magaalada Muqdisho,  Wuxuuna in Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Kooxdiisu ay yihiin Mashruuc Soomaaliya laga fuliyey, Halka beesha Hawiye ay moodayso inay iyagu dalka Hogaamiyaan.

Wuxuu sidoo kale daaha ka qaaday Kala Iibsiga Xildhibaanada, Wuxuuna ugu baaqay inay Beeshu la timaado, dad metali kara, Wuxuuna ka hadlay Khilaafka ka dhashay Aqalka Sare iyo Meeqaamka Caasimada gobolka Banaadir, Wuxuuna u soo jeediyey inay tashadaan “Xiligii Xooga waad il-duufteen, oo meel cidlo ah ayaad ku biyo Baxdeen, Maanta Caqli ayay taagan tahay miyaydaan Tashan karin” ? Ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in 18-Maalmood kadib uu Madaxwayne Xasan sheekh Noqon doono Qof shacab ah, Wuxuuna sheegay in la isku diyaariyo Isbedelka, Kaasi oo ka turmaya Danaha beesha iyo Soomaali oo dhan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada