Daawo: Maxaa ka cusub shirka IGAD ee la filayo in lagu qabto Muqdisho (Video)

Daawo: Maxaa ka cusub shirka IGAD ee la filayo in lagu qabto Muqdisho (Video)

daajis.com:- Dawlada Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka ay dowlada Somalia ku qaadatay marĕgalinta shirka la filaayo in Madaxda Urur Goboledka IGAD uga furmo magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka arimaha Debeda Somalia C.salaan Hadliye waxa uu sheegay in dowladu ay juhdi ku bixineyso sugida amniga iyo hirgalinta shirka, waxa uuna sheegay in dhan waliba ay dowladu uga diyaar garowday shirkaasi.

Hadliye waxa uu sheegay in dowladu ay xooga saari doonto sida caalamka looga dhaadhicin lahaa Somalia oo dhowr sanno kadib amni ah, waxa uuna carab dhabay in marĕ galinta aysan garab ka geysan doonin dowlad aan aheyn Somalia.

Hadliye ayaa sheegay Marĕgelinta Shirka IGAD ee Muqdisho inay ka dhigan tahay in Somalia ay tahay meel nabad ah oo la isku haleyn karo, wuxuuna sheegay in taasi fariin ay u tahay Beesha caalamka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada