daajis.com:- Siyaasiga ka soo jeeda deegaanka SSC Cabdirisaaq Sanweyne isla markaana ah guddoomiyaha USP ee Canada ayaa ku dhaliilay maamulka Puntland iyo Xukuumada Federaalka in ay midnimada Soomaaliya khatar ku yihiin isla markaana garabsiiyaan kuwa diidan midnimada.
Cabdirisaaq Sanweyne oo ka hadlayey xaflad ay soo qaban qaabiyeen taageerayaasha Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay dawlada federaalku garabsiiso kuwa khatarta ku ah jiritaanka Soomaaliya oo ay dadaal ugu jirto sidii dalka loo kala jari lahaa, dadkii u soo halgamay midnimadana ilaa daraawiish ay ka hiiliyiin,
sidoo kale wuxuu canbaarayn dusha uga tuuray maamulka Puntland oo uu ku tilmaamay in ay garabsiiyeen kuwa midnimada dhaawacaya wuxuuna intaasi ku daray in ay darbi kala dhigeen bulshada ,haday ka shaqeeyeena ayna imandoonto in darbiyo adag dhigmaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:21 and have
, Published at